Omat työkalut
Olet täällä: Etusivu Asukasillat Habeenka duqa magaalada iyo ajaanibta magaalada degan
Tulevat lähetykset   Atom 1.0
  • 21.09.2010 klo 18:30
    Ylipormestarin asukasilta maahanmuuttajille

  • 22.09.2010 klo 18:00
    Valtuuston kokous

  • 06.10.2010 klo 18:00
    Valtuuston kokous

  • 20.10.2010 klo 18:00
    Valtuuston kokous

  • 03.11.2010 klo 15:00
    Valtuuston kokous

 
Tehdyt toimenpiteet

Habeenka duqa magaalada iyo ajaanibta magaalada degan

21.9.210 saaduna tahay 18.30-20.30 meeshuna waa aqalka magaalada helsinki hoolkiisa xafladaha, ciwaankiisuna waa Pohjoisesplanadi 11-13
 
Duqa magaalada Helsinki Jussi Pajunen wuxuu qabanayaa 21. sebtember munaasabad loogu magacdaray habeenka dadka degan magaalada(asukasilta), habeenkaas oo si khaas ah loogu talogalay ajaanibta degan Helsinki. Ujeedada laga leeyahay munaasabadan loogu magacdaray habeenka dadka degan magaalada waa in loogu adeego ajaanibta degan magaalada, fursadna loo siiyo inay jawaabo u helaan suaalaha ay qabaan ama waxyaabaha ay tabanayaan. Tusaale ahaan duga magaalada waxaa la weydiinkaraa waxyaabaha ku saabsan xaga waxbarashada, guryaha ama degaanka, sbootiga, dhaqanka, xanaanada caruurta iyo adeegyada caafimaad, shaqada iyo gaadiidka.
 
Munaasabadan waxay u furantahay oo lagu soo dhaweynayaa dhamaan ajaanibta degan magaalada Helsinki iyo madaxda ururadooda. Habeenkaas hadii loo baahdo waxaa lagu turjumayaa luuqadaha soomaaliga, ruushka iyo weliba luuqada ingiriiska.
 
Xaflada waxaa si toos ah looga sootabinayaa shabakada-kaybalka ah (kaapeliverkko) ee Kanaalka-Dina (Dina-Kanavalla) iyo weliba ciwaanka-internetka ee helsinkikanava.fi
 
Wixii suaalo ah horay ayaad ugu soo dirikartaan ciwaanka helsinkikanava.fi ama e-mailka niko.antin@hel.fi