spinner
Share video
Sida loo ballansado baaritaanka fayruska korona iyo waxa la sameeyo markaad ku jirto karantiil
4 min
|
Available Необмежений
|
Published
06.10.2020
Categories

Daawo fiidiyowyada kale ee boggan:
Miyaan qabaa fayruska korona?
Laqabsashada xaalada fayruska korona bulsho ahaan

Sida loo ballansado baaritaanka fayruska korona iyo waxa la sameeyo markaad ku jirto karantiil

Fayruska Korona wuxuu weli saameynayaa nololmaalmeedkeenna qof kastaana waa in uu ogaadaa halista fayruska la xiriira. Magaalada Helsinki waxay soo saartay saddex fiidiyow oo tilmaanbixin ah, kuwaas oo looga jawaabayo su’aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan fayruska Korona. Fiidiyowyada waxaa laga helayaa adeegyada taageero ee la heli karo inta safmarkan lagu jiro, macluumaadka la xiriira baaritaanka iyo habraaca karaantiilka iyo hagitaanka waxa aad sameynayso, haddii aad ka shakiso in aad qaaday cudurka fayruska Korona.

Si aad u aaddo baaritaanka fayruska Korona, waa in uu dhakhtar kuu diraa baaritaanka. Gudbinta baaritaanka waxaad ka heli kartaa dhakhaatiirta xarunta caafimaadka degmada ama rugaha caafimaadka gaarka loo leeyahay. Magaalada Helsinki waxay leedahay goobo baaritaanka oo badan. Macluumaad wakhtiga la socda ee ku saabsan goobaha baaritaanka ee shaqaynaya waxaad heleysaa, marka aad qabsanayso wakhtiga baaritaanka faruska Korona. Natiijada baaritaanka fayruska Korona waxay sheegaysaa in aad cudurka fayrusa Korona. Baaritaanka lid-jirgalaha ee sheegaya in uu horay kuugu dhacay fayruska Korona Helsinki lagama helo.

Natiijada baaritaanka fayruska Korona waxaa qasab ah in la sugo dhowr maalmood. Haddii uu caafimaadkaadu wanaagsanyahay, waa in aad guriga ku gashaa karaantiil, marka aad sugayso natiijada baaritaankaada. Sida waxaad dadka kale uga ilaalin kartaa qaadista cudurka laga yaabo in aad taqaan. Fayruska Korona wuxuu dadka u saameeyaa siyaabo kala duwan. Waa muhiim in aad la socoto soo bixitaanka calaamadaha cudurka iyo in aad qiimeyso in aad daryeel u baahantahay iyo in kale. Qiimeynta waxaad caawimaad uga heli kartaa rugta talabixinta fayruska Korona ee magaalada Helsinki.

Haddii calaamadaha ku haya aanay u baahnayn daryeel isbitaal gurigana aad ku karaantiilantahay, ka codso xubnaha qoyskaada, saaxiibadaada ama deriskaada in ay ka caawiyaan soo gadashada cuntada iyo daawada. Haddii aadan cidna caawimaad ka codsan karin, waxaad wici kartaa saraakiisha sooshalka ee magaalada Helsinki ee lambarkoodu yahay 09 310 44400, kuwaas oo xaaladdaada kaa siinayaa talo iyo hagitaan. Talabixintu waxay maalmaha shaqada furantahay 9-16.00 saac.

Ogsoonow, in haddii karaantiil lagu geliyay calaamadaha fayruska Koronana ay ka soo baxaan inta aad karaantiilka ku jirto, natiijada baaritaanka oo negatiif ah kama dhigna in aadan ku sii jireyn karaantiilka guriga, marka aad heshay natiijada baaritaanka ee negatiifka kaddib. Dhammaan dadka looga shakiyo in ay u dagmeen in uu ku dhaco fayruska Korona, waxaa la gelin karaa karaantiil 14 maalmood ah. Waxaa la iskdayayaa in waxqabadka karaantilka lagu gooyo silsiladda qaadista cudurka iyo in lagu badbaadiyo nafta dadka.

Ka fiiri macluumaadyada wakhtiga la socda ee la xiriira xaaladda fayruska Korona bogagga fayruska Korona ee magaalada Helsinki. Waxaa kale oo macluumaad dheeraad ah ka heleysaa fiidiyowyada soo socda.