spinner
Share video
Laqabsashada xaalada fayruska korona bulsho ahaan
5 min
|
Available Необмежений
|
Published
06.10.2020
Categories

Macluumaadka ku saabsan adeegyada caawinaada ee magaalada Helsinki iyo ablikeeshinka telefoonka koronavilkku iyo isticmaalka saxda ah ee afshareerka.

Daawo fiidiyowyada kale ee boggan:
Miyaan qabaa fayruska korona?
Sida loo ballansado baaritaanka fayruska korona iyo waxa la sameeyo markaad ku jirto karantiil

 

Laqabsashada xaalada fayruska korona bulsho ahaan

Fayruska Korona wuxuu weli saameynayaa nololmaalmeedkeenna qof kastaana waa in uu ogaadaa halista fayruska la xiriira. Magaalada Helsinki waxay soo saartay saddex fiidiyow oo tilmaanbixin ah, kuwaas oo looga jawaabayo su’aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan fayruska Korona. Fiidiyowyada waxaa laga helayaa adeegyada taageero ee la heli karo inta safmarkan lagu jiro, macluumaadka la xiriira baaritaanka iyo habraaca karaantiilka iyo hagitaanka waxa aad sameynayso, haddii aad ka shakiso in aad qaaday cudurka fayruska Korona.

Magaalada Helsinki waxay dadkeeda deganayaasha ah siinaysaa inta lagu jiro safmarka fayruska Korona adeegyo badan oo lacag la’aan ah. Adeegyadu waxay caawinayaan dadka waaweyn iyo caruurta, kuwaas oo nololmaalmeedkooda ugu baahan talabixin iyo caawimaadda. Caawimaadda su’aalaha la xiriira ganacsiga ama waxbarashada iyo shaqaaloobidda waxaa iyagoo ku baxaya luqado badan oo lala duduwan laga helayaa NewCo Helsinki iyo Khabiirada Xarunta xeel-dheerayaasha.

Dugsiyada iyo xannaano-maalmeedyadu waxay ka ku dadaalayaan ammaanka carruurta iyagoo isticmaalaya hawlo taxaddir oo kala duwan. Saacadaha xiisadaha, xilliyada cunto-cunista iyo saacadaha dhextaalka ama bareegga waa la kala hormariyay, si ay u suurragasho masaafada ammaanku. Ardayda waxaa lagu hagayaa in ay ku dadaalaan nadaafadda wanaagsan ee gacmaha iyo quficidda dugsiga ama xannaano-maalmeedkana lama imaan karo iyadoo la jirranyahay. Dugsiyada ayaa waalidku ku hagaya, haddii ay tahay in cunugga la geeyo baaritaanka fayruska Korona. Si degdeg ah ayaa loo ogaanayaa islamarkaasna loo raad-raacayaa qaadista cudurka carruurta iyo xubnaha shaqaalaha ee u dagmay cudurkana waxaa la gelinayaa karaantiil si looga hortago fiditaanka fayruska.

Ablikeeshinka telefoonka carsiga ah ee fareejada Korona (koronavilkku) waxaa laga soo degsan karaa dukaanka ablikeeshinnada. Fareejada Korona waxaa loo qorsheeyay in uu gooyo silsiladda qaadista fayruska Korona. Ablikeeshinku wuxuu kuu sheegayaa, hadd aad u dagantay fayruska Korona kaddib markii aad u dhowaatay qof uu cudurka ku dhacay. Isticmaalidda ablikeeshinku ma ahan qasab, laakiin haddii ay dad badan soo degsadaan ablikeeshinka waxaa markaas ablikeeshinka caawimaad badan looga helayaa ka hortagga safmarka. Ablikeeshinka fareejada fayruska Korona waa lacag la’aan, mana uruurinayo macluumaadkaada shakhsiga ah ama macluumaadka meesha aad joogto.

Hababka ugu wanaagsan ee looga hortago fiditaanka cudurka fayruska Korona waa ku dadaalidda nadaafadda wanaagsan ee gacmaha iyo quficidda iyo in ugu yaraan dadka kale laga fogaado hal mitir oo masaafada ammaanka ah.

Gaadiidka nawaaxiga Helsinki (HSL) waxay dadka masaafurka ah oo dhan ka codsatay in ay ka iska ilaaliyaan safarka aan muhiimka ahayn xilliyada ciriiriga ama dadku badan yahay, si aan safar ammaan ah ugu sugno dadka aan tusaale ahaan shaqadooda dartood isaga ilaalin karin safirka. Waxaa intaas in Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaaggu ay ku talinayso, in qof kasta oo 15 sano ka weyn uu isticmaalo afshareer marka uu saaranyahay gaadiidka dadweynaha. Waxaa kale oo in afshareerka la isticmaalo la soo jeedinayaa marka lagu jiro xaalado aan dadka kale loo jirsan karin masaafada ammaanka ah.

Soo jeedinta af-shareerka waxay marwalba ku xirantahay hadba sida uu u soo kordho cudurka. Kala soco macluumaadka mar walba la cusbooneysiiyo iyo Soo jeedinta af-shareerka, shabakadda Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga.

Ka fiiri macluumaadyada wakhtiga la socda ee la xiriira xaaladda fayruska Korona bogagga fayruska Korona ee magaalada Helsinki. Waxaa kale oo macluumaad dheeraad ah ka heleysaa fiidiyowyada soo socda.